Ganacsade laga soo tarxiilay Zambia oo Hanjabay

Image

LUSAKA - Dowlada wadanka Zambia ayaa 22 bishaan wadankeeda kasoo Tarxiishay ganacsade, Cabdulaahi Axmed Yare "Guutaale" oo dalkaasi daganaa sida uu sheegay muddo 26 sano ah.

Guutaale oo waraysi siiyay warbaahino kala duwan ayaa ku eedeeyay ganacsato ay kala beel yihiin oo dagan wadankaasi in ay deegaan ahaan u beegsadeen.

"Aniga deegaan ahaan ayaa la ii beegsaday waana la arki doonaa waxa dhici doona ayuu ku hanjabay" walaw uusan faah-faahin ka bixin.

Warar ay heshay Garowe Online ayaa sheegaya in Guutaale uu haysto dhalashada wadankaasi isla markaana horey sidaan oo kale looga tarxiilay dalkaas isla markaana aysan ahayn markiisi ugu horaysay.

Ganacsadahan ayaa ku xaniban sida uu sheegay garoonka diyaaradaha ee caasimada wadanka Itoobiya isaga oo intaasi ku daray in xoolihiisa iyo dharkiisi xitaa uusan meel ku ogayn.

Jaaliyadaha soomaalida ee inta badan dalalka caalamka ayaa isku haysta hogaanka ururo iyo jaaliyado aanan shaqo aan ka ahayn u xafladaynta iyo u heesida madaxda xiliyada qaar dalalkaasi tagan walaw mida Zambia ay sidaas ka duwan tahay oo ay dhaqaalaha xooga saaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM