Goob Soomaali Ku Caweyso oo Lagu Xiray Amarka Wasaaradda Deegaanka Kenya

Image

Nairobi | Wasiirka Deegaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa ku amray Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka (NEMA) inay bilawdo olole ballaaran oo looga hortagayo waxyaabaha liddiga ku ah deegaanka iyo bulshadaba. Tallaabadan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa hoteellada ka shaqeeya bartamaha magaalada Nairobi oo cabashooyin ka keeneen dadweynaha sababo la xiriira buuqa iyo wasakhowga deegaanka.

Ololahan cusub, oo ay horkacayso qeybta booliiska ee NEMA, ayaa la doonayaa in lagu joojiyo qashinka la dhigayo goobaha aan ku habboonayn iyo sidoo kale codadka dheer ee habeenkii ka baxaya goobaha lagu caweeyo. Wasiirka ayaa sheegay in milkiilayaasha goobahaas lala xisaabtamayo haddii ay jebiyaan shuruucda ilaalinta deegaanka, si ay tallaabo sharci ah uga qaadaan.

Tallaabadan ayaa daba socota amarkii dhawaan ka soo baxay wasiirka oo faray in la xiro qaar kamid ah hoteellada Nairobi oo cabashooyin badan laga keenay, gaar ahaan kuwa aan u hoggaansamin shuruucda NEMA.

Warar kale oo laga helayo howlgallada NEMA ayaa sheegay in mid kamid ah goobaha la xiray ay lahayd qof Soomaali ah, iyadoo sababta xiritaanku ahayd buuqa ka baxayay xilliyada dambe ee habeenkii. Hay’adda NEMA ayaa sidoo kale soo bandhigtay muuqaal ay ka duubtay goobaha lagu caweynayo oo lagu faafiyay baraha bulshada, taasoo muujinaysa ciidamada booliiska iyo shaqaalaha NEMA oo gudaha u galaya mid kamid ah hoteelada bartilmaameedka ah.

Waxaa la filayaa in ololahan uu sii socdo, iyadoo wasiirka uu ku celiyay in dowladdu ka go’an tahay ilaalinta deegaanka iyo xaqiijinta nabadgelyada dadweynaha ku nool xaafadaha ay ku yaallaan hoteeladan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM