Gorgortanka biyo xireenka Nile oo mar-xalad cusub galay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirkii fogaan aragga ahaa ee Wasiirada Arimaha Dibada iyo Wasiirada Arimaha Biyaha ee dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa qabsoomay maalintii shalay oo Axad ahayd.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyey Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Koonfur Afrika oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee ururka ay ku mideysan dalalka Afrika ee AU-da loo yaqaano.

Wasiiradu waxay isdhaafsadeen fikradaha ku saabsan sii socoshada gorgortanka saddex geesoodka ah oo diiradda lagu saarayo qoraallo qabyo ah oo ay soo bandhigeen khubaro uu u xilsaaray Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Itoobiya oo dhawaaqday aragtideeda ku wajahan dukumintiga qabyada ah ayaa muujisay in ay doonayso inay isticmaasho hal dukumiinti shaqo oo ku saabsan gorgortanka saddex geesoodka ah.

Sidoo kale, Suudaan waxay gudbisay muhiimada dukumiintiga u leeyahay horumarka wadahadalada iyo rabitaankeeda ah in la sii wado wadaxaajoodka iyadoo la qeexayo doorka khubarada AU.

Masar ayaa si cad u diiday dukumiintiga oo la sheegay in uu qeyb ka yahay heshiis ay dalalka ka gaaraan muranka biyo xireenka Nile.

Sidda ay saxaafadda warisay, inta badan arrimaha ku saabsan buuxinta koowaad iyo hawlgalka sanadlaha ah ee biyo-xireenka waa la isku raacay. Wareega xiga ee wadahadalka waxaa martigelineysa Masar.

Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya dalal wuxuu salka ku hayaa wada-xiriirka ka dhexeeya Tilmaamaha iyo Xeerarka GERD si lamid ah mashaariicda horumarinta biyaha ee mustaqbalka Wabiga Abbay.

Itoobiya ayaa u aragta biyo-xireenka mid horumar u horseedaya gobolka gaar ahaan dhanka korontada balse Masar waxay ka walaacsan tahay in uu hoos u dhigi karo saamigeeda biyaha webiga.

Masar ayaa 90% waxay beeraheeda ku tiirsan yihiin biyo-xireenka waxayna sheegeysaa in hoos u dhac ay soo wajihi karto beeraheeda hadii la bilaabo buuxinta biyo xireenka taasoo xiisad xooggan abuurtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM