Guinea: In ka badan 130 qof u badan caruur oo ku dhintey isbuurasho

Image
Falkan ayaa wuxuu ka dhex-dhacay garoon kubada cagta ah kadib markii la isku-khilaaf go’aan uu qaatay garsooraha.

NAIROBI, Kenya - Hay’adaha xuquuqul insaanka ee dalka Guinea ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in in ka badan 135 taageere oo kubbadda cagta ah lagu dilay isku dhac ka dhacay garoon ciyaareed  Axaddii, kuwaas oo u badnaa carruur. 

Tirada, oo aan la xaqiijin, ayaa aad uga badan tirada rasmiga ah ee dhimashada oo ah 56.

Kooxuhu waxay sheegeen in qiyaastu ay ku salaysay xogta laga helay cisbitaalka, qabuuraha, goob joogayaasha garoonka, qoysaska dhibanayaasha, masaajidda, kaniisadaha iyo warbaahinta gudaha. In ka badan 50 kale ayaa wali la la'yahay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda militariga, ayaa ka digtay faafinta macluumaadka "aan la xaqiijin", iyadoo sheegtay in baaritaannadeeda ay ku socdaan musiibadii ka dhacday magaalada labaad ee ugu weyn dalka, Nzérékoré.

Wasiirka cadaalada Yaya Kaïraba Kaba ayaa sheegay in uu amray in la furo baaritaan garsoor oo ka dhan ah dambiilayaasha la eedeeyay.

Waxa uu sheegay in cid kasta oo faafisa “xog aan la hubin ama xaasidnimo ah”, la xiri doono oo sharciga lala tiigsan doono.

Dhacdadan dhimashada badan dhalisay ayaa daba socotay go’aan garsoor oo muran dhaliyay intii ay ciyaartu socotay, kaasoo sababay gacan ka hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM