Hadal-heyn ka dhalatay Rigathi Gachagua iyo Ruto heshiiskooda iyo Safarka Gobolka Mt. Kenya

Image

Nairobi – Isbeddel lama filaan ah ayaa dhacay kadib markii Madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua dib u saaxiibeen, iyagoo isku raacaya booqashadda gobolka Mt. Kenya.

Isbeddelkan ayaa ka dambeeyay wadahadallo ballaaran oo dhexmaray labada hoggaamiye, kuwaas oo doonaya in la xoojiyo mideynta qaranka. Sida wararka laga helayo, labada hoggaamiye ayaa si qarsoodi ah uga wadahadlay arrimaha siyaasadeed iyo doorashadda 2027.

Dadka ku dhaw labada hoggaamiye ayaa ka gaabsaday faahfaahinta wadahadalladooda, laakiin waxay wararku sheegayaan in dib usoo celinta xiriirkooda uu ka dhashay baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Safarka gobolka Mt. Kenya ayaa lagu wado in lagu soo bandhigo qorshiyaal loogu talagalay dhibaatooyinka deegaanka, sida horumarinta dhaqaalaha, mashaariicda kaabayaasha, iyo barnaamijyada daryeelka bulshada.

Muuqaalka wadajirka ah ee Ruto iyo Gachagua ayaa la filayaa inuu fariin xooggan u diro mucaaradka, maadaama ay soo dhawdahay doorashadda.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in tallaabadan ay si weyn u saameyn karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la eego muhiimada taariikheed ee gobolka Mt. Kenya ee siyaasadda Kenya.

Mid ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay safarka mid muhiim ah oo kor u qaadi doona codka gobolka Mt. Kenya ka hor doorashada guud ee 2027.

Rigathi Gachagua oo kasoo jeeda gobolka Mt. Kenya ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka looga qaadey mooshin sanadkii hore, iyadoo aad u xumaaday xiriirka isaga iyo Ruto oo hore dad aad isagu dhaw ahaayeen xiligii doorashadii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM