Haweenaydii ugu horeysay oo madaxwayne ka noqotay Tanzania

Image

DAARU SALAAM, Tanzania - Madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa loo dhaariyay in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota waddankaas ku yaala bariga Afrika ka dib geeridii lama filaanka ahayd ee John Magufuli oo u geeriyooday xanuun uu hareeyay shaki badan.

"Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya," ay Samia oo ku labisneyd dhar madow iyo xajaab casaan ah ka hor tiri mudanayaal ka qeybgalay xaflad ka dhacday caasimada ganacsiga ee Daarusalaam.

Khudbadeedii ugu horreeyay ee ay jeediso iyadoo madaxweyne ah, hoggaamiyahan 61 jirka ah ayaa waxay ku dhawaaqday 21 maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo Magufuli.

Sidoo kale, waxay 22-ka Maarso iyo 25-ka Maarso u muddeysay maalinta la aasi doono madaxweynaha geeriyooday.

"Ma ahan maalin ii wanaagsan in aan hadlo maxaa yeelay falaar ayaa wadnahayga iiga taagan," ayuu tiri Samia. "Maanta waxaan qaatay dhaar ka duwan xirfadayda. Maanta waxaan qaatay dhaartii ugu sareysayinta xafiiska aan joogo anigoo baroor diiqaya," ayay ku dartey.

Samia ayaa heshay fursadda kursiga madaxweynaha ka dib dhimashadii Magufuli oo dowladda ku dhawaaqdey Arbacadii in uu u dhintey wadno xanuun. Shaacinta waxay timid in ka badan laba toddobaad ka dib markii ugu dambaysay ee lagu arko fagaaraha.

Maqnaanshaha Magufuli tan iyo 27-kii bishii Febraayo ayaa sii hurisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan caafimaadkiisa waxaana ka dhashay warar xan ah oo sheegayay in laga helay COVID-19, in kasta oo saraakiisha ay beeniyeen inuu xanuunsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM