Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya
LUSAKA, Zambia — Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka, isaga oo helay 60 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, sida ay ku dhawaaqday Guddiga Doorashooyinka Zambia.
Hichilema, oo 64 jir ah, ayaa sidaas ku helay muddo-xileed labaad oo shan sano ah. Guushiisa ayaa ahayd mid si weyn loo filayay, iyadoo musharraxa ugu dhow ee la tartamay, Brian Mundubile, uu helay 38 boqolkiiba codadka. Musharraxiintii kale ee 12-ka ahaa ayaa aad uga dambeeyay.
Mundubile, oo 55 jir ah, ayaa sheegay inuu maxkamad ka furan doono natiijada, isagoo ku dooday in xisbigiisa NRPUP uu hayo caddeymo muujinaya in doorashada ay ka dhaceen khaladaad iyo wax is-daba-marin.
Xisbiga NRPUP ayaa horay BBC u xaqiijiyay in Mundubile uu ku sugan yahay meel ammaan ah oo ay ilaalinayso hay’ad caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, kadib markii la sheegay in loo hanjabay.
Warbaahinta gudaha Zambia ayaa sidoo kale soo werisay in Mundubile iyo ku-xigeenkiisa Makebi Zulu ay ku sugnaayeen xarun ay leedahay hay’ad Qaramada Midoobay oo ku taalla caasimadda Lusaka, iyagoo ka cabsi qaba in la xiro.
Arrintan ayaa timid kadib markii qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka la xiray Jimcihii, kaddib howlgal ay mas’uuliyiintu ku sheegeen in lagu fashilinayay qorshe lagu doonayay kacdoon. Mundubile ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.
Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.
“Waxaan haynaa caddeymo, diiwaanno iyo xog aan diiwaangelinnay intii ay dhacdooyinku socdeen. Hadda waxaan caddeymahaas horgeyn doonnaa hay’adaha sharciga ah ee ku habboon, waxaana adeegsan doonnaa dhammaan waddooyinka sharci ee noo bannaan muddada loo cayimay,” ayuu yiri.
Dhankiisa, Hichilema ayaa ka dib markii lagu dhawaaqay guushiisa, sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo shacabka Zambia.
“Runtii waxaan ku faraxsanahay kalsoonida aad nagu aamineen,” ayuu yiri Hichilema, isaga oo xusay in doorashadu muujisay in Zambia tahay dal nabad, sharci iyo kala dambeyn leh.
Wuxuu sheegay in Zambia ay tahay “dal dimuqraadi ah oo khilaafaadkiisa ku xalliya sanduuqa codbixinta, meel kale oo aan ahayn”.
Hichilema ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay dhageysan doonto dadka taageeray musharraxiinta mucaaradka, ayna sii wadi doonto inay u shaqeyso dhammaan shacabka.
Boqolaal taageerayaashiisa ah oo xirtay dharka midabka casaanka ah ee xisbiga United Party for National Development (UPND) ayaa isugu soo baxay waddooyinka Lusaka si ay ugu dabaaldegaan guusha.
Zambia ayaa muddo dheer lagu yaqaan in awoodda siyaasadeed si nabad ah loogu kala wareego. Tan iyo markii dalka uu dib ugu soo laabtay nidaamka xisbiyada badan sanadkii 1991, madaxweynayaasha dalka ayaa xilka kula kala wareegay doorashooyin.
Mundubile ayaa sidoo kale si adag u diiday eedeymaha dowladda ee ahaa in xisbigiisa ama dad xiriir la leh lagu tuhunsan yahay kacdoon ama khatar amni oo dalka ku wajahan.
“Waxaan si buuxda u diideynaa eedeymahaas. Ololaheenna waxaa saldhig u ahaa laba eray: rajo iyo nabad,” ayuu yiri.
Wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay inay isdejiyaan, isaga oo sheegay inuusan ku baaqayn rabshado ama aargoosi.
Mundubile ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymaha la xiriira weerar lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla Lusaka. Wuxuu sheegay in rag hubeysan ay xoog ku galeen guriga, rasaasna ay rideen, iyadoo wasiir hore oo lagu magacaabo Mutotwe Kafwaya lagu toogtay hortiisa.
Mundubile wuxuu sheegay in Kafwaya weli la la’yahay, qoyskiisuna aysan helin xog ku filan oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay ama xaaladdiisa.
Dhanka kale, Mulambo Haimbe, oo ah wakiilka doorashada Hichilema iyo xubin sare oo ka tirsan UPND, ayaa sheegay in hadallada Mundubile ee ku saabsan dhacdadaas aysan sax ahayn.
Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa maalin kadib codbixinta si kooban u hakiyay tirinta codadka iyo ku dhawaaqista natiijooyinka, kadib markii la soo sheegay rabshado lagu bartilmaameedsaday shaqaalaha doorashada iyo in waraaqo codbixin oo la calaamadeeyay laga xaday meelo ka mid ah dalka.
Hakinta ayaa isla maalintaas la qaaday.
Kormeerayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa sheegay in maalinta doorashadu guud ahaan ahayd mid nabdoon, waxayna dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay isdejiyaan oo ay ixtiraamaan habka rasmiga ah.
Si kastaba, kormeerayaashu waxay walaac ka muujiyeen dib-u-habeynta doorashada oo daahday, xorriyadda warbaahinta iyo helitaanka warbaahinta intii lagu jiray ololaha doorashada.
Samuel Tembenu, oo ah wasiir hore oo ka tirsanaa Malawi isla markaana hoggaaminayay howlgalka kormeerayaasha ee Ururka Iskaashiga Koonfurta Afrika (SADC), ayaa sheegay in kooxdiisu ay diiwaangelisay, balse aysan xaqiijin karin, warar ku saabsan cabsi-gelin, weerarro, afduubyo iyo burbur hantiyeed oo ka dhacay shan gobol.
Kormeerayaashu waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen hakintii koobanayd ee tirinta codadka, iyagoo sheegay inay dhaawici karto kalsoonida shacabka iyo sumcadda geeddi-socodka doorashada.
GAROWE ONLINE