Hogaamiyaashii afgambiga Niger oo sameeyay ballan-qaad rajo galiyay wadamda ECOWAS

Image
SAWIRKA: Baraha Bulshada

NIAMEY, Niger - Wafdi dhexdhexaadin ah oo ka kooban culumaa’o diin ka soo jeeda dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in taliska militariga ee Niger ka talinayay uu ku wargeliyay inay diyaar u yihiin inay xaliyaan xiisadda iyadoo loo marayo wadooyin diblomaasiyadeed.

Sheikh Bala Lau ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hogaamiyaha kooxda afgambiga, General Cabdiraxmaan Tianyi, uu u sheegay in albaabkiisu u furan yahay in laga hadlo dariiqa diblomaasiyadeed ee lagu xalinayo dhibaatada taagan.

Wafdigan ayaa dhexdhexaadinaya dhinacyada is diidan ee Niger iyaga oo ogolaanshiyo ka haysta Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu, kaasoo hadda haya xilka madaxtinimo ee meertada ah ee Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS).

Kahor inta aan war-murtiyeedka la soo saarin, tiro ka mid ah xubnaha wafdiga ayaa shaaciyay in ay wada hadal la yeesheen madaxdii afgambiga ka geysatay dalka Niger.

Culimadu waxay sheegeen in hoggaamiyeyaasha ciidamadu ay muujiyeen sida ay ugu furfuran yihiin in xiisada kala dhaxeeyso ECOWAS lagu xalliyo hab diblumaasiyadeed.

ECOWAS ayaa Khamiistii hore ku dhawaaqday hawl-gelinta ciidan kayd ah, laba toddobaad ka dib afgambigii madaxweynihii Niger Mohamed Bazoum oo ah afgambigii toddobaad ee ka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika 3 sano gudahood.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM