Hogaamiyeyaasha afgembiga Niger oo "talaabo culus qaadaya"

Image

NAIROBI, Kenya - Khubarada arimaha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ka digaya tilaabooyin cusub oo ay qaadaan hogaamiyayaasha afgenbiga dalka Niger.

Saraakiisha xukunka la wareegay oo taageero xoogan ka haysta hogaamiyayaasha Mali iyo Burkina Faso ayaa laga walaacsan yahay in ay ku dhawaaqaan "Con-federalism" ay isla qaataan Mali,Niger iyo Burkina Faso.

Tilaabadaan ayaa sii xoojin doonta sidoo kale saamaynta uu Ruushku gobalka ku leeyahay waxayna kusoo aadaysaa xilli maalintii shalay ay ku ekayd muddo uu ururka "ECOWAS" u qabtay hogaanka Afgembiga in ay xukunka kusoo celiyaan madaxweyne, Bazoum hadii kale ay qaadi doonaan dalalkaasi tilaabo Milatari.

Barnaamijka "Maa waraa Al-khabar" ee Telefishinka Aljazeera oo lagu gorfeeyay xaaladda Niger ayay khubaradu isku raaceen in ay adag tahay in xiligaan faro-gelin Milatari lagu sameeyo dalkaasi isla markaana uu khasaaruhu badnaan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM