Hogaanka Kenya oo isku khilaafsan Afti ka dhan ah cududa Soomaalida

Image

NAIROBI, Kenya – Bulshadda Soomaaliyeed ee nool dalka Kenya ayaa ku gacan-sayray Afti uu soo diyaariyey Isbaheysiga Mucaaradka ee uu hogaamiyo Raila Odinga, taasi oo u muuqata mid lagu beegsanayo Soomaalida.

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa ku doodaya in "mashquul fara badan" uu ka jiro baarlamaanka waddankaasi ayna u arkaa xalka ugu wanaagsan in hoos loo dhigo tirada guud ahaan ee xeer-dejinta oo haatan ah 349.

Hogaanka ugu sareeya dalkaasi ayaa sidoo kale ku kala aragti duwan Aftida. Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha Mucaaradka oo xulafo noqdey daba ayey ka riixayaan, balse ku madaxweyne ku xigeenka iyo baarlamaanka ayaa diidan.

Kahor doorashadii 2013-kii, Soomaalida ayaa ku lahaa kaliya 11 xubnood. Balse waxay haatan ku leeyihiin wadar ahaan 32 wakiilo. 18 Aqalka Hoose ah, 3 Senator, Saddex gudoomiye gobol iyo xubno oo ay xisbiga magacaabeen.

Wakiilada metalaya haweenka ee Soomaalida ka socda ayaa waxay waqti xaadirkan tiradoodu gaareysaa saddex sharcidejiyeyaal.

Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, oo calanka u sida olalaha Soomaalida ee ka dhanka ah Aftidaasi ayaa dadweynaha ku booriyay in ay ka hor-yimaadan.

"Waxaan la doonayaa in nala siiyo afar Xildhibaan. Waa qorshe la diyaariyey oo lagu yareeyo saameynteena," ayuu u sheegay VOA-da. "Ma ciyaareyno Dhaanto uu soo diyaariyey Raila".

Ducaale oo laga soo doorto gobolka Garissa aadna ugu dhow madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa intaasi raaciyey: "Waxaan ciyaareynaa Dhaanto ay soo diyaariyeen Soomaalida oo ay ka muuqato danahooda".

Sidda ku xusan Aftida aan weli codka la gelin, dowlad goboleedyadda ayaa si toos ah loo hoos-geyn doonaa dhaqaalaha goboladda, halka ay haatan ka jaan-gooyaan Xildhibaanadda ka socda is-maamuladda.

Aftidan ayaa sidoo kale waxay hoos u dhigageysaa awooda Xildhibaanada iyo gunooyinka ay qaataan, waana mid kamid ah sababaha ay mudaneyaasha u bilaabeen olale ka dhan ah Aftidaasi.

Dadka taageersan Aftida oo qaarkood ay Soomaali yihiin ayaa ku doodaya in yareynta Xildhibaanada ay faa'iido u tahay maamul goboleedyadda, maadaama mudaneyaasha ay mushahar fara badan qaatan.

"Xildhibaan qabiil unbuu ka shaqeyn, waan taageersanahay in la yareeyo oo lagu soo celiyo markii ay Kenya qaadaneysay dowladnimada. Korna loo qaado dhaqaalaha maamuladda," ayuu yiri Dubad Cali Camey oo taageersan Aftida.

Mushaharka ay qaatan mudaneyaasha dalka Kenya ayaa waxaa la sheegayaa in uu yahay hal milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Hadii ay suurtogasho in la meel-mariyo Aftidaasi muranka ka taagan yahay ayaa waxay tirada Aqalka Hoose ay noqoneysaa 117 Xildhibaan, halka Aqalka Sarre ay tiradiisu noqon doonta 41 Senator.

Isku soo wada duub, Aftidan ayaa gil-gishay siyaasadda Kenya, waxayna kamid tahay arrimaha xasaasiga ah oo ay dadweynaha aadka u hadalhayaa, una gorfeynayaa xalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM