Hooyooyin iyo caruurtooda oo ku jira dad ku dhintey dhul go'

Image
Dhoobada ayaa laga yaabaa inay ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo maalmo socday.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​30 qof oo ay ku jiraan caruur iyo hooyooyin ayaa dhimatay halka dhowr kalena la la’yahay maalin kadib dhul go’ ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah Isniintii.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Osso-Banyungu ee dhulka Masisi ee waqooyiga gobolka Kivu, sida uu sheegay Fabrice Muphirwa Kubuya, madaxa kooxda bulshada rayidka ah ee Osso-Banyungu.

"Dhul go'u wuxuu ka dhacay duhurnimadii tuulada Bulwa, waxaana ku dhintay 30 qof," ayuu Muphirwa u sheegay Anadolu. "Dadaallada samatabbixinta ayaa socda oo lagu soo badbaadiyey dhowr qof".

Dhoobada ayaa laga yaabaa inay ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo maalmo socday, sidda uu caddeeyay Muphirwa. Lt. Col. Guillaume Ndjike, oo ah afhayeenka gudoomiyaha waqooyiga Kivu, ayaa xaqiijiyay dhacdada.

Ndjike oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in mas’uuliyiintu ay ka war heleen masiibadan “xanuunka iyo murugada badan”, wuxuuna tacsi u diray qoysaskooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tirada dhimashada ku meel gaarka ah ka dhigay 20 qof wallow ay jiraan dad kala duwan oo xaqiijinaya in geerida ay intaas kasii badan tahay.

Dieudonne Dunia oo ka mid ah dadka ku dhaqan tuulada Bulwaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan ilaa 20-ruux oo hooyooyin ah iyo caruur ay dhaleen kuwaasi oo ku sugnaa tog ku yaalla meel buur hoosteeda ah markii uu dhulka go’ay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM