In ka badan 176 qof oo ku dhintey daadad ku dhuftey bariga DR Congo

Image
Bishii Oktoobar 2014 ayay ahayd markii roobab lixaad leh ay burburiyeen in ka badan 700 oo guri isla dalkan.

NAIROBI, Kenya -  Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sidda uu sheegay mas’uul ka tirsan gobolka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

Roobab dabaylo wata oo ka da'ay gobolka Koonfurta Kivu ayaa sababay in wabigu soo fataho maalintii Khamiista, waxaana uu sababay khasaare lixaad leh iyo khasaare nafeed oo ka dhacay tuulooyinka Bushushu iyo Nyamukubi.

Barasaabka Koonfurta Kivu, Théo Ngwabidje Kasi, ayaa tirada dhimashada ku sheegay 176 ruux, wuxuuna caddeeyay in weli dad kale la la'yahay ayna socdaan dadaalo samatabixin ah.

Xubin ka tirsan bulshada rayidka ah ee deegaanka, Kasole Martin, ayaa sheegay in 227 meyd ah la helay. “Dadku bannaanka ayay seexdaan. Iskuullada iyo isbitaallada waa la qaaday,” ayuu yiri Martin.

Sawirro laga soo qaadey meelaha ay musiibada ka dhacdey ayaa muujiyey guryo badan oo dumay iyo dadwayne fara badan oo dowladda ka dalbanaya in ay lasoo gaarto gurmad degdeg ah.

Qaar kamid ah dadka soo badbaadey oo ay soo samatabixiyeen shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa muuqaalo laga soo duubay waxay muujiyeen iyaga oo argagaxsan isla markaana dhoobo ay qarisay.

Bishii Oktoobar 2014 ayay ahayd markii roobab lixaad leh ay burburiyeen in ka badan 700 oo guri isla dalkan DRC Congo. In ka badan 130 qof ayaa la sheegay in la la’yahay xilligaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM