In ka badan 20,000 oo ku dhintey Mediterranean-ka tan iyo 2014: IOM

Image
Tahriibeyaashan ayaa badankooda waxay ka soo jeedaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tuuniisiya iyo Saxaraha Galbeed, iyadoo Waqooyiga Afrika ay wajaheyso koror dhimashadda dhanka badda ah iyo dadka ku sii jeeda qaaradda Yurub.

Tuniisiya waxa ay noqotay marin weyn oo ay maraan dadka qaxootiga ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya qaybaha kale ee Afrika, iyaga oo isku dayaya safarro halis ah iyaga oo rajo ka qaba in ay helaan nolol wanaagsan.

Tirada dadka ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Tunisia ayaa gaartay 11 qof kadib markii meydad kale la helay, sidda laga soo xigtey mas'uuliyiinta ilaalada xeebaha.

"Labo qof ayaa la soo badbaadiyay oo ka mid ah 57-dii qof ee la socday, kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika," ayuu yiri Masmoudi oo kamid ah saraakiisha ilaalada xeebaha.

Masmoudi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in mas'uuliyiinta ay sii wadaan raadinta dadka la la'yahay ayna intaan kasii badan karto tiradda geerida.

Masaafada u dhaxaysa Sfax oo ka tirsan Tuniisiya iyo jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga waa qiyaastii 130km (80 mayl) waxaana u dhaxeysa waddo badeed khatar badan.

Waddada dhexe ee Mediterranean-ka ee ka soo gudubta Waqooyiga Afrika una gudubta Yurub waa tan ugu dhimashada badan adduunka iyadoo in ka badan 20,000 ay ku dhinteen tan iyo 2014, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM