In ka badan 20 qof oo ku dhintay duqeyn lala eegtay suuq mashquul badan

Image
Ganacsato, dad wax ka iibsanayay iyo dadka deegaanka ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu soo gaartay.

NAIROBI, Kenya - Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sudan ayaa lagu dilay ugu yaraan 23 qof in ka badan 40 kalena waa lagu dhaawacay koonfurta magaalada caasimada ah ee Khartoum.

Duqeymaha cirka ee Sabtidii ayaa lala beegsaday xerada ugu weyn oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF) ee koonfurta Khartoum, iyagoo ku garaacay suuqa dhexe iyo xaafad u dhow.

Ganacsato, dad wax ka iibsanayay iyo dadka deegaanka ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu soo gaartay.

RSF waxa ay milatariga kula dagaalamaysay dagaal sokeeye oo socday 18 bilood kaas oo galaaftay nolosha ilaa 150,000 oo qof, waxana ay barakicisay shan meelood meel dadka Sudan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tan iyo Jimcihii, dagaal ba'an ayaa ka sii kordhayey agagaarka Khartoum, oo ay inta badan maamulaan RSF-ta, iyadoo milaterigu ay xoojiyeen duqeymaha cirka ee bartamaha magaalada iyo koonfurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM