In ka badan 25 qof rayid ah oo lagu dilay Galbeedka Suudaan

Image
Magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa dhowr maalmood waxaa ka dhacayay “duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo xagga cirka ah”.

KHARTUUM, Suudaan - Isku dhacyo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo kuwa iska soo horjeeda ayaa lagu dilay ugu yaraan 25 qof oo rayid ah magaalada El-Fasher ee Waqooyiga Darfur, sida uu sheegay guddiga qareenada u ololeeya dimuqraadiyadda.

Magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa dhowr maalmood waxaa ka dhacayay “duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo xagga cirka ah”, sida ay sheegeen qareennada gurmadka deg-degga ah, kuwaasoo diiwaangeliyay gabood-fallada loo geystay dadka rayidka ah tan iyo markii uu billowday dagaalladii sannad ka hor u dhexeeyay ciidammada Xoogga iyo kuwa Gurmadka degdegga ah.

Iyadoo dagaalku uu galay sannadkii labaad, Qaramada Midoobay iyo Maraykanku waxay ka digayaan in burburka nabadda jilicsan ee El-Fasher, oo ah caasimad u dambaysay ee gobolka Darfur ee aan gacanta ku hayn RSF, ay masiibo u noqon doonto boqolaal kun oo la ildaran masiibo bini'aadantinimo.

El-Fasher waxa kale oo ay hada tahay xarunta bini'aadantinimo ee ugu weyn gobolka galbeedka ah ee Darfur, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​rubuc ka mid ah 48 milyan oo qof ee Suudaan ah, waana goobta ay ka dhaceen rabshado ba'an intii lagu jiray dagaalkan iyo kuwii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM