In ka badan 30 qof oo ku nafwaayay duufaan ku dhufatay Mozambique

Image
Duufaanta ayaa sidoo kale waxay burbur xooggan ka geysatay dhulka Badweynta Hindiya ee Mayotte.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 34 qof ayaa ku geeriyootay kadib "mid ka mid ah duufaanadii ugu xooganaa ee abid la diiwaan geliyo" ay ka dhacdey waqooyiga Mozambique, sidda uu ku dhawaaqay Machadka Qaranka ee Khatarta iyo Maareynta Musiibooyinka (INGD).

Duufaanta Chido ayaa ku soo dhacday Mozambique Axadii, waxaana la sheegay in ay burbur xooggan ka geysatay dhulka Badweynta Hindiya ee Mayotte.

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen Mayotte - oo ah gobolka Faransiiska ee dibedda - iyo dhowr qof - oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo mutadawiciin ah oo Laanqeyrta Cas - ayaa loo maleynayaa in la la'yahay.

Machadka INGD oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ku tilmaantay xaalada Mozambique “wadnaha jabin” wuxuuna ka digtay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Sikastaba ha haataee, in ka badan 34,000 oo qoys Mozambique ayaa guryahooda ku waayay Chido, taasoo keentay dabaylo ku dhawaad ​​260km/h (160mph).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM