In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

Image
21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weeraradii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaano oo lagu dilay dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ugu yaraan 50 qof.

Odayaal, caruur iyo haween ayaa ka mid ah dadka la laayay. Waxaana la sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay ay ahayd haweeney uur leh.

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay. Dadka dhaawacyada culus qaba ayaa loo gudbiyay isbitaal ku yaala magaalada Durbeete.

Maalin ka hor weerarka ayaa la sheegay in sahan dhanka hawada ah laga sameeyay deegaanka. "

Dhacdadan ayaa Talaadadii todobaadkan ka dhacday magaalada yar ee Arge – oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta xarunta maamulka degmada Achefer – Durbeete, ee Waqooyiga Gojjam.

BBC Amxaari ayaa dhacdadan u xaqiijiyay dadka deegaanka.

Sida warbixinta lagu sheegay, duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa dhacay abaare 7:10 subaxnimo ee xilliga Soomaaliya.

Waxa ay beegsatay suuqa hawada furan, dugsi hoose iyo xarun caafimaad. Dhammaan bartilmaameedyada ayaa la sheegay in ay aad isugu dhow yihiin; waxay ku dhex jiraan radius 300 mitir.

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM