Is-miidaamin ay fuliyeen dumar oo dad badan ku laayay Nigeria

Image
Mid kamid ah qaraxyadda ayaa waxaa lala beegsaday xaflad aroos halkaasoo rayid ku dhamaadeen.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay dalka Nigeria oo loo malaynayo inay fuliyeen dumar is qarxiyay, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mid ka mid ah qaraxyadda ayaa waxaa lagu waramay ku dhinteen lix qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen xaflad aroos oo Sabtidii ka dhacday waqooyi bari gobolka Borno.

Hay’adda maamulka deg-degga ah ee gobolka ayaa sheegtay in weerarradan la iska kaashaday lala beegsaday aroos, aaskii dhibbanayaasha iyo isbitaal ku yaalla magaalada Gwoza, oo u dhow xudduudda Cameroon.

Madaxweyne Bola Tinubu oo dhaleeceeyay weerarradaas kuna tilmaamay "filal argagax leh oo quus ah" ayaa waxa uu wacad ku maray in lasoo xiri doono dambiileyaasha.

Illaa haatan, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, waxaa weerarada noocaan oo kale looga bartey dagaalameyaasha kooxda Boko Haram.

Afartii bilood ee la soo dhaafay, dableyda ayaa waxay laba jeer beegsadeen dadka iyaga oo is miidaaminaya isla markaana isku soo xiray walxaha qarxa ee gobolka Borno.

Gobolka Borno ayaa muddo 15 sano ah xuddun u ahaa kacdoonka ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Boko Haram, kaasoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, ayna ku dileen in ka badan 40,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM