Isku-dhacyo hubeysan oo mar kale kasoo cusboonaadey Suudaan

Image
Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo ka fuliyay deegaano dhaca koonfurta Khartoum.

KHARTUUM, Suudaan - Isku-dhacyo rabshado wata ayaa Axadii shalay ku dhex maray ciidamada Sudan iyo xubno ka tirsan jabhada Rapid Support Forces (RSF) ee aagaga Khartoum, Al Jazirah iyo White Nile iyo magaalada El Fasher, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee Anadolu.

Waxay sheegeen in ciidanku ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen xarumo ay RSF-ta isugu soo urureen agagaarka Warshadda Sifaynta Shidaalka ee Jaili ee waqooyiga caasimadda Khartoum, iyagoo intaa ku daray in qiiq aad u badan uu kor u kacayay weerarkan awgeed.

RSF waxa ay weli gacanta ku haysaa goobo badan oo ku yaalla magaalada Baxri ee waqooyiga Khartoum, oo ay ku jirto warshadda sifaysa ee Jaili, halka ay ciidanku ku sugan yihiin xaafado badan oo waqooyiga Bahri ka xiga iyo bakhaarka hubka iyo xarumaha Hattab iyo Kadroo ee magaalada.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo ka fuliyay deegaano dhaca koonfurta Khartoum iyo degmada Alkotainh ee gobolka White Nile, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Guddiyada iska caabinta Wad Madani ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in diyaarado milateri ay weerar ku qaadeen isku imaatinnada RSF-ta ee tuulada Bika oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Wad Madani ee xarunta gobolka Jaziira.

Tan iyo bishii December ee sannadkii hore, RSF waxa ay gacanta ku haysay dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka Jaziira, oo uu ku jiro Wada Madani. Goob joogayaal ayaa sheegay in sidoo kale ay dib u soo cusboonaadeen iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada iyo RSF ee waqooyiga iyo bariga Ceel Fasher oo la isku adeegsaday hubka culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM