Isku-shaandheyn lagu sameeyay Wasiiradda Suudaan

Image

KHARTUUM, Sudan – Ra'iisul wasaaraha dowladda Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa hogaamiyaha fallaagada Daarfuur, Gibril Ibrahim, wuxuu u magacaabay in uu noqdo wasiirka maaliyadda waddankaas kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirada Isniintii.

Hamdok wuxuu ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirada, oo ay ku jiraan wasiiro ka socda Jabhadda Kacaanka ee Suudaan, isbahaysiga kooxaha hubeysan, kadib shir jaraa'id oo laga sii daayay telefishanka dowladda ee xaruntiisu tahay caasimadda Khartoum.

Isku-shaandheynta ayaa timid iyadoo Hamdok uu la halgamayo inuu riixo dib-u-habeyn iyo inuu helo maalgelin shisheeye oo loo arko inay muhiim u tahay yareynta dhibaatada dhaqaale ee daba-dheeraatay iyo xoojinta u-guuritaanka Suudaan ee dimuqraadiyadda.

Hamdok, oo xilka ku helay heshiis awood qeybsi kaasoo dhexmaray milatariga iyo kooxaha rayid ah ka dib markii xukunka laga tuuray Omar al-Bashir. Tan iyo xilligaas wuxuu hogaamiyay gole wasiirro oo farsamo yaqaanno ah oo xiriir aan wanaagsaneyn la yeeshay militariga.

Dowlada cusub ayaa waxaa ku jira wasiiro dhowr ah oo ka tirsanaa Jabhadihii horre sidda Mariam Sadiq al-Mahdi, oo ah hogaamiye ka tirsan xisbiga caanka ah ee Umma Party oo ay aas-aastay gabar uu dhalay raiisul wasaare hore kana soo horjeeda Bashiir.

Sidoo kale Sadiq al-Mahdi, oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada, waxaana uu kamid ahaa xubnaha mucaaradka.

Dhaqaalaha Suudaan waxaa hoos u dhacay xilligii Al-Bashiir oo maamulkiisa tobanaan sano ay saarneyd cunaqabateyn Mareykaka kusoo rogay.

Maamul xumo iyo dagaal sokeeye, iyo sidoo kale madaxbanaanida dalka Koonfurta Suudaan ee saliida qaniga ku ah sanadkii 2011 ayaa kamid ah waxyaabaha ragaadiyey maamulkiisa.

Sicir barar baahsan, lacag la’aan adag oo soo noqnoqota iyo suuq madoow oo kobcaya ayaa weli ah caqabado culeys leh uuna wajahayo maamulka Xamduuk, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dhaqaalaha sii xumaanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM