Dagaal culus oo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta

Image
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulada Soomaalida iyo Canfarta oo ku aadan khasaaraha.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo hubeysan oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay tuulooyin ku yaalla galbeedka gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Dhunyar iyo tuulooyin kale, waxaana uu socday labadii maalmood ee u dambeeyay. Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegay balse si madax banaan looma xaqiijin karo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulada Soomaalida iyo Canfarta oo ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka gobolka Sitti, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysa in dib u soo cusboonaato colaadaasi.

Xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool dalka Itoobiya ayaan wali xal laga gaarin. Dagaaladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay labada qowmiyadood ayaa ka dhacay magaalada Asbuli ee gobolka Sitti, bishii March ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM