Itoobiya iyo Suudan oo iska-arakaya isku-dhacyada xadka
ADDIS ABABA, Ethiopia – Suudaan iyo Itoobiya ayaa yeelan doona wadahadallo Asbuuca soo socda si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan sohdinta ay wadaagaan labadda waddan ee deriska ah, sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Hamdok Axaddii.
Wadahadalka ayaa la qaban doonaa Talaadada soo aadan. Todobaadkii hore ayya ahyad markii, sidda la sheegay, ciidamada Itoobiya ay weerar gaadmo ah ku dileen tirro kamid ah askarta Suudaan ee ku sugan xadka labada dhinac. Addis Ababa ma aysan beenin.
"Hamdok iyo dhigiisa Ethiopia Abiy Ahmed Axadii waxay kawada hadleen kulanka guDdiga kala xadaynta xuduudaha kaas oo la qaban doono 22 December,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Labada hoggaamiye waxay ku kulmeen shir madaxeedkii Axaddii ka dhacay magaalada Jabuuti ee urur goboleedka IGAD, oo ah urur goboleed ka dhisan Bariga Afrika oo ka kooban siddeed dal. Hamdok waa madaxa hadda ee IGAD.
Weerarka xudduud ah ee ay qaadeen ciidamada Itoobiya iyo maleyshiyaad taabacsan Talaadadii la soo dhaafay waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ka mid ah ciidamada Suudaan halka ay ku dhaawaceen tobanaan kale oo ku sugnaa aagga Abu Tyour ee bariga gobolka Gadarif ee bariga Suudaan.
Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Sudan ee SUNA ayaa Sabtidii tabisay in milaterigeedu uu ciidan dheeri ah geeyay gobolka si ay dib ula soo noqdaan dhulal ay gacanta ku hayaan beeraleyda Itoobiya iyo fallaagada ku sugan aagga xadka al-Fashqa ee Suudaan.
Ciidamada ayaa hakan doona xuduuda, sidda ay xeerinayaan heshiisyadii 1902 ee u dhaxeeyay Suudaan iyo Itoobiya, SUNA ayaa sidaas werisay.
Isku-dhacaan ayaa imaanaya xilli Itoobiya dhexdeeda gaar ahaan gobolka waqoyga dhaca ee Tigray ay ka taagan tahay colaad lix-asbuuc socota taasoo u dhaxeysa ciidanka federaalka iyo xoogaga TPLF oo laga saarey caasimada Maqale balse laga cabsi qabo in ay dagaal jabhadeyn ah bilaabaan.
GAROWE ONLINE