Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Image
Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa dhaleeceysay khudbad uu shalay jeediyay safiirka Mareykanka Ervin Massinga oo ay ku tilmaantay "mid aan lagala talin" oo ay ku jiraan "sheegyo aan la ogeyn".

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in kooxaha uu safiirku sheegay ay “u go’an tahay in ay xoog ku afgambiyaan Xukuumadda la doortay”.

Waxay sheegtay in Wasaaraddu ay kala shaqayn doonto safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa si loo saxo khaladaadka dhabta ah iyo iswaafaqayn la'aanta qoraalka uu sameeyay safiirku.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM