Itoobiya oo ka heshay $1.5 bilyan dollar dahabka ay dhoofisay mudo 6 bilood

Image

ADDIS ABABA - Wasaaradda Ganacsiga Itoobiya, ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka heshay $1.5 bilyan dhoofinta dahabka qeybtii hore ee sanadka miisaaniyada hadda jirta.

Wasiirka Ganacsiga dalkaas Kassahun Gofe ayaa sheegay in tani ay fursado muhiim ah u abuuraysa alaabooyin kala duwan oo Itoobiya soo saarto oo loo iib geynayo suuqyada caalamka.

Kassahun ayaa bogaadiyay hormarka jira, isagoo tilmaamay in dakhliga $1.5 bilyan ee ka yimid dhoofinta dahabka uu yahay guul mudan in la xuso. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda looga ka faa’iidaysto kheyraadka dalka, si loo gaaro barwaaqo.

Intaas waxaa sii dheer, Wasiirka ayaa tilmaamay awooda dalka ee dhoofinta qaxwaha, digirta, abuurka saliidda, beero xabxab ah, dhir udgoon iyo alaabooyinka beeraha ee muhiim u ah kor u qaadida ganacsiga iyo kordhinta dakhliga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM