Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Image

Muqdisho – Dowladda Itoobiya ayaa si adag uga hadashay doorka Ururka Jaamacadda Carabta, iyadoo ku eedeysay in ururku u janjeero dhinaca Masar, isla markaana si gaar ah uga soo horjeedo danaha Itoobiya, gaar ahaan kuwa la xiriira mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee GERD.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Suleiman Dedefo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X si toos ah ugu weeraray Jaamacadda Carabta, isagoo ku tilmaamay urur ku shaqeeya siyaasadda ay wado dowladda Masar, halkii uu noqon lahaa mid u dhexeeya dhammaan dalalka xubnaha ka ah.

“Jaamacad Carbeed ma aha urur metela danaha waddamada xubnaha ah, balse waxay si muuqata uga shaqeysaa dano gaar ah, gaar ahaan kuwa Masar," ayuu yiri danjiraha, isagoo si gaar ah u dhaliilay sida Jaamacadda Carabtu mar walba uga hadasho arrinta biyo-xireenka Itoobiya, iyada oo ay jiraan xaalado aad u liita oo bani’aadanimo ah oo ka jira dalal xubno ka ah.

Sidoo kale, danjiraha ayaa is weydiiyay sababta ururkan loogu aasaasay in uu noqdo matala Carabta, balse hadda u muuqda mid ka qaybqaadanaya olole siyaasadeed oo lagu beegsanayo horumarka Itoobiya ee dhinaca tamarta.

"Sidee ayay Jaamacadda Carabta ugu doodaysaa in Itoobiya oggolaansho ka raadiso Masar si ay uga faa’iideysato biyaha ay leedahay? Ma waxay iloowday in dal walba xaq u leeyahay isticmaalka kheyraadkiisa dabiiciga ah?” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, kaas oo salka ku haya damaca Itoobiya ee ah inay dhammeystirto mashruuca GERD si ay koronto uga dhaliso webiga Nile, halka Masar ay sheegtay in mashruucaas uu halis ku yahay sahayda biyaha ay heli jirtay.

Diblomaasiyiin falanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in hadalka danjiraha Itoobiya uu markale iftiiminayo kala fogaanshaha u dhexeeya Addis Ababa iyo dowladaha Carabta qaarkood, gaar ahaan Masar, oo muddooyinkii dambe dadaal ugu jirtay inay cadaadis diblomaasiyadeed saarto Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khalifa Haftar iyo Wakiilka QM ee Libya oo Ka Wadahadlay Qorshe Siyaasadeed Cusub

Libya ayaa qaran bur bur ku dhacay markii la riday dowladdii Qadaafi 2011, iyadoo dalka noqdey marinka Yurub.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 08:35AM

Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Joojiyay Heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Itoobiya ayaa dooneysay inay hesho 20 kiiloomitir oo dhul ah si ay ugu samaysato saldhig ciidan iyo dekad ay ku xirto.

  • Afrika

    07-09-2025

  • 12:56PM