Itoobiya oo shaacisay inaysan ka baxayn Soomaaliya, kana digtay Khatarta Masar

Image

ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay howlgalka Cusub ee Soomaaliya iyadoo ku eedeysay 'dalal dibadda ka ah gobolka' inay ku soo qulqulayaan Geeska Afrika, tallaabadaas oo khalkhal gelin karta xasilloonida iyo amniga.

Tesfaye Yilma, oo ah wakiilka joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay "jilayaasha gobolka ka baxsan ee aan door wax ku ool ah ku lahayn gobolka" intii lagu jiray codbixintii dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan ka wareejinta ATMIS ee AUSSOM, isagoo ku tilmaamay ku lug lahaanshaha noocaas ah "raadsi aan laga fiirsan."

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gabagabeyn doona howshiisa maalmaha soo socda, waxaana la filayaa inuu u wareego howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), halkaasoo Itoobiya ay dooneyso in ciidamadeeda ay weli door ku yeeshaan.

"La-dagaalanka argagixisada iyo xasilinta Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa siyaasadda gobolka ee la wadaago ee isku-tiirsanaanta taasoo ujeeddadeedu tahay xaqiijinta nabadda iyo barwaaqada wadajirka ah ee gobolka," ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa niyad jab la wadaagtay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay Itoobiya qorshe ay ku doonayso inay xoog ku qabsato dhulkeeda marka laga soo tago inay wiiqayso madax-banaanideeda oo la xidhiidha heshiiskii ay Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya "aanay ka mid ahaan doonin ciidamada Midowga Afrika ee uu hoggaamiyo" beddelka ATMIS ka dib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland Janaayo 2024.

Maxamed Raabi Yuusuf oo ah wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya oo ka jawaabayay hadalka Itoobiya ayaa yiri “Tallaabooyinka la diiwaan geliyey ee ay Itoobiya ka geysatay Soomaaliya darteed, 11-kii bilood ee la soo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya waxay dib u eegis ballaaran ku sameysay habkeeda ammaan ee aan uga gudubnay ATMIS. ku wajahan howlgalka cusub ee AUSSOM.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaan kamid noqdey dad lagu xiray banaanbaxyo ruxay Kenya

Ugu yaraan 53 qof oo mudaaharaadayaal ah oo aan hubaysnayn ayaa lagu xiray guud ahaan dalka Kenya.

  • Afrika

    01-01-2025

  • 01:04PM

Ivory Coast oo ceyrinaysa cicdamadda "gumeysiga" Faransiiska

Waa dalkii ugu dambeeyay Afrikaan ah oo go'aan noocaan oo kale ah qaata.

  • Afrika

    01-01-2025

  • 07:12AM