Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Image
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya waxay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si kasta oo suurtagal ah’ inkastoo Soomaaliya ay dooneyso inay ka saarto howlgalka AU ee soo socda

Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go'an tahay ka hortagga Al-Shabaab, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in "dadaallada lagu wiiqayo kooxda ay sii socon doonaan si kasta oo suurtagal ah" si loo ilaaliyo amniga qaranka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya, Ambassador Nebiat Getachew, ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ka qaadaneyso yareynta khatarta Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhaxeeyaan xiriir aan kala go’ lahayn.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaankeeda ka dib markii uu ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Sabtidii.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ee soo socda, kaas oo bilaaban doona Janaayo 2025-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM