Itoobiya oo xirtey saraakiil sare kana tirsan TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliska ciidamadda difaaca Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu daaha ka rogay in uu xabsi u taxaabay sagaal xubnood oo ka tirsan xoogaga TPLF ee ka talin-jiray gobolka Tigray, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Tesfaye Aylew, madaxa waaxda horumarinta ee ciidanka Itoobiya, ayaa saxaafadda u sheegay in afar kamid ah xubnahaas lagu qabtay howlgal wadajir ah oo ciidamaddu ka sameeyeen qaybo kamida gobolka.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan ay soo xigatay warbaahinta dowladda Itoobiya, dadweynaha ayaa ka qeyb-qaatay howlgalkaas culus.
Sagaalka xubnood ee ka tirsanaa TPLF ee lasoo xiray ayuu magacyadooda ku kala sheegay sidda soo socota;

1) Teklewoini Assefa, madaxii ahaa ee Waaxda Gargaarka TPLF

2) Dr Solomon Kidane, madaxii hore ee horumarinta magaalooyinka Tigray iyo xafiisyada gaadiidka ee Addis Ababa

3) Gebremedhin Tewolde, madaxii hore ee xafiiska ganacsiga Tigray

4) Woldegiorgis Desta, madaxii hore ee xafiiska gaadiidka Tigray

5) Ambassador Abadi Zemo, safiirkii hore ee Itoobiya ee Suudaan oo ku biiray qaybta siyaasada ee kooxda TPLF

6) Kidusan Nega, afhayeenkii hore ee Golaha Dawlad Deegaanka Tigray

7) Tedros Hagos, madaxweynihii hore ee Akaadamiyada Meles Leadership and Head of EFFORT Board

8) Mihret Teklay, lataliyihii hore ee arrimaha sharciga ismaamulka Tigray

9) Berhane Adem Mohammed, mulkiilaha hanti-ma-guurto ah

Jeneraal Tesfaye ayaa soo bandhigay magacyadda xubno kale oo ka tirsan TPLF kuwaas oo uu tilmaamay in lagu dilay howlgalkaas gaarka ah.

1) Sekoture Getachew, afhayeenkii TPLF

2) Zeray Asgedom, maareeyihii hore ee ETV iyo Agaasimaha Guud ee Hay'ada Warbaahinta Itoobiya (EBA)

3) Abebe Asgedom, madaxii Dimtse Weyane

4) Daniel Assefa, madaxii hore ee xafiiska dhaqaalaha ee Tigray

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa dhamaadka sanadkii hore 2018 waxay weerar ku qaadey ismaamulka Tigray ka gedaal markii maamulkaas uu kasoo horjeestay baaqjinta doorashada. Howlgalkaas wuxuu sababay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac si lamid ah barakac aad u baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM