Jaamacad hirgelisay xarun lagu tababaro ganacsatada Soomaaliya

Image
Xaruntan laga furay Nairobi ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed.

NAIROBI, Kenya - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas dagan. 

Xaruntaan ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SOMINA.

Taabagalinta xaruntaan Somali Investment Academy (SOMINA), waxaa iska kaashaday Hay’adda International Financial Corporation (IFC) oo ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda Strathmore. 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardeyda Soomaalida ee barnaamjikaan fursada u heshay inay  faaiideystaan waxbarasho ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM