John Magufuli: Madaxweynihii Tanzania oo geeriyooday

Image

DARU SALAM, Tanzania - Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, ayaa geeriyooday, sidda ay ku warantay Wakaaladdawararka AFP oo soo xigatay ku xigeenkiisa Samia Suluhu.

Shaacinta ayaa kusoo hagaageysa todobaadyo aad loo hadalhayey in uu dhintay markii shaashadaha uu kasoo muuqan waayey.

Sidda ay wararku sheegayaan, Magufuli, oo lagu dhaleeceeyo in uu dhahal-saday safmareenka Covid-19, wuxuu u geeriyooday "wadno xanuun".

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay ka maqnaanshiyahiisii fagaareyaasha, iyadda oo warbixino qaar oo aan la caddeyn karin ay xusayaan in laga helay caabuqa Coronavirus.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray hogaamiyeyaasha caalamka ee tacsida ka diray geerida Magulugi.

"Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Jamhuuriyadda Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli. Waxaan bulshaddaiyo Xukuumadda Tanzania u rejaynaynaa samir iyo xasillooni xilligan ducada iyo baroor-diiqda ah," ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxweynaha Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda Magufuli.

"Waxaan si tiiraanyo leh shacabka iyo Jamhuuriyadda Tansaaniya ugaga tacsiyeynayaa warka murugada leh ee dhimashadii H.E Joseph Magafuli, Madaxweynihii Tansaaniya. Waxaan si gaar ah murugada ula wadaagayaa qoyska uu ka geeriyooday Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Tanzania," ayuu ku daacay bartiisa Twitter-ka.

Magufuli oo xilka hayey tan iyo November, 2005-tii ayaa ku dhintey da'da 61-sano jir. Wasiirka Gaadiidka, Warfaafinta iyo Shaqada ayuu ahaa 2000 illaa 2005 iyo 2010 illaa 2015.

Xilli uu magaalada Chato ku dhashay October, 1959, Magufuli ayaa muddo hal sano ah (2019 illaa 2020) wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ururka Bulshadda Bariga qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM