Kacdoon ka dhashay sicir-bararka qiimaha shidaalka oo ka billowday Angola
Luanda – Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay rabshado xooggan oo ka dhacay guud ahaan Angola, sida ay ku dhawaaqeen masuuliyiinta. Tani waxay calaamad u tahay kacsanaan ba’an oo ka dhalatay koror weyn oo lagu sameeyey qiimaha shidaalka, gaar ahaan naaftada.
Rabshaduhu waxay bilaabmeen Isniintii kadib markii ururrada gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan kuwa minibuses-ka, ay ku dhawaaqeen shaqo-joojin saddex maalmood ah si ay uga mudaaharaadaan go’aanka dowladda ee ah in subsidiyada naaftada la dhimo, taas oo qiimaha naaftada kor u qaaday ku dhowaad saddex meelood meel.
Mudaaharaadyada ayaa si degdeg ah isu beddelay rabshado, iyadoo laga soo sheegay falal dhac ah, burbur hantiyeed, iyo isku dhacyo dhimasho sababay oo dhexmaray booliska iyo dadka mudaharaadayay. Xiisadda ayaa ka bilaabatay caasimadda Luanda balse si dhaqso ah ugu faaftay gobollo kale oo dalka ka tirsan.
Xukuumadda Madaxweyne João Lourenço ayaa Arbacadii qabatay kulan degdeg ah oo lagu falanqeeyay amniga guud iyo jawaabta ay laamaha amnigu bixinayaan.
War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in:
- 22 qof la dilay
- 197 qof la dhaawacay
- 1,214 qof la xiray
- 66 dukaanno la burburiyay
- 25 gaari la gubay ama la dhaawacay
- Suuqyo iyo bakhaarro la dhacay
Dowladda Angola ayaa tan iyo sanadkii hore bilaabay in tartiib tartiib ah loo tirtiro kaalmada shidaalka, taasoo sanadkii hore la sheegay inay gaartay 4% GDP-da dalka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda. IMF ayaa horey u taageertay tallaabooyinkan, kuwaas oo sidoo kale horseeday mudaharaadyo khasaaro leh sannadkii 2023.
Maalgashadeyaasha caalamiga ah ayaa si dhow ula socda isbeddelada Angola, iyadoo ay u arkaan imtixaan lagu ogaanayo sida dowladdu uga go'an tahay hagaajinta dhaqaalaha.
"Ka qaadista subsidiyada waxay muujineysaa go’aanka adag ee dowladda ee ku wajahan dib-u-habeyn dhaqaale," ayuu yiri Pieter Niesten, oo ka tirsan shirkadda maalgashiga Neuberger Berman, isagoo xusay in sanadkan subsidiyada shidaalka la filayo in la dhimo ilaa 1.8% GDP-da.
Xiisaddan ayaa muujinaysa halista ka dhalan karta go’aannada xanuunka badan ee dhaqaalaha, gaar ahaan waddamo ay dadweynuhu si weyn ugu tiirsan yihiin shidaalka la taageerayo si ay u helaan nolol maalmeedkooda.
Iyadoo caro shacabka ay sii kululaaneyso, dowladda Angola waxay wajahaysaa cadaadis adag oo ku saabsan sidii ay isku dheellitiri lahayd dib-u-habeynta dhaqaale iyo xasiloonida bulshada.
GAROWE ONLINE