Kagame: “Afgambiyada qaar Afrika ma aha kuwo xun”

Image

KIGALI — Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa sheegay in aan dhammaan afgambiyada ka dhaca qaaradda Afrika loo arki karin kuwo taban, isagoo ku dooday in mararka qaarkood ay ka dhasheen dhibaatooyin siyaasadeed iyo maamul xumo sababay in xal milatari lagu raadiyo.

Kagame oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan “afgambiyo wanaagsan iyo kuwo xun”, isagoo qeexay in afgambi xun uu yahay mid militari awood ku maquuninaya shacabka, halka afgambi wanaagsan uu noqon karo mid ka dhasha kacdoon ay dadka iyo ciidamada u jeedaan maamulka fashilmay.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay dalal dhowaan uu ka dhacay afgambi, wuxuuna sheegay in dhacdooyinkaas ay muujinayaan sida shacabka iyo ciidamadu uga falcelinayaan dowlado aan bixinin adeeg, hufnaan ama xisaabtan siyaasadeed.

Kagame ayaa sidoo kale soo hadal qaaday mudaaharaadyada ay hoggaaminayaan dhalinyarada qaaradda, kuwaas oo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa sida ay bulshooyinka u diidan yihiin musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada.

Isagoo ka digaya halista afgambiyada rabshadaha wata, ayuu Kagame carrabka ku adkeeyay in isbeddel kasta oo militari uu noqonayo mid macno leh keliya haddii uu horseedo dowlad hufan oo ka duwan nidaamkii laga kacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM