Kenya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig dhowaan la dhisay

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen xero ku taala ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi barri.

Xerada ayaa ku taala degaanka Elram oo hoostaga magaaladda Ceelwaaq. Wargeyska Daily Star wuxuu wariyey in dableyda iyo ciidanka uu dhexmaray iska hor-imaad socdey muddo 10 daqiiqo ah.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi barri, Rono Bunei, ayaa shaaca ka dhigay in uusan jirin khasaaro ciidanka amniga kasoo gaarey falkaas, isaga oo weerarka Al-Shabaab ku qeexay "mid arbushaad ah".

"Waxaan ka codsaneynaa dadweynaha in ay nagala shaqeeyaan ciribtirka kooxdan waalan. Waxaan rajeynaynaa in ciidamadda ay feejignaanta xoojin doonan," ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha.

Sidda ku xusan warbixinta, xerada ay Al-Shabaab weerartay waa mid dhowaan la dhisay. Hasa ahaatee, maleyshiyadda waxay beegsatay dhowr jeer, iyaddoo duulaanadaas ay sababeen khasaaro kala duwan.

Maadaama gobolka Mandera uu xuduud la leeyahay Soomaaliya oo ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, xubnaha kooxda waxay ugu talaabaan si qarsoodi ah.

Bishii Janaayo 26-deeda, hal sarkaal ayaa ku dhintay saddex kalana way ku dhaawacmeen markii gaari ay la socdeen oo marayay Omarjillo-Arabia kana tirsan Mandera uu dulmaray miino loo maleegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM