Kenya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig dhowaan la dhisay

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen xero ku taala ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi barri.

Xerada ayaa ku taala degaanka Elram oo hoostaga magaaladda Ceelwaaq. Wargeyska Daily Star wuxuu wariyey in dableyda iyo ciidanka uu dhexmaray iska hor-imaad socdey muddo 10 daqiiqo ah.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi barri, Rono Bunei, ayaa shaaca ka dhigay in uusan jirin khasaaro ciidanka amniga kasoo gaarey falkaas, isaga oo weerarka Al-Shabaab ku qeexay "mid arbushaad ah".

"Waxaan ka codsaneynaa dadweynaha in ay nagala shaqeeyaan ciribtirka kooxdan waalan. Waxaan rajeynaynaa in ciidamadda ay feejignaanta xoojin doonan," ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha.

Sidda ku xusan warbixinta, xerada ay Al-Shabaab weerartay waa mid dhowaan la dhisay. Hasa ahaatee, maleyshiyadda waxay beegsatay dhowr jeer, iyaddoo duulaanadaas ay sababeen khasaaro kala duwan.

Maadaama gobolka Mandera uu xuduud la leeyahay Soomaaliya oo ah fariisinka ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, xubnaha kooxda waxay ugu talaabaan si qarsoodi ah.

Bishii Janaayo 26-deeda, hal sarkaal ayaa ku dhintay saddex kalana way ku dhaawacmeen markii gaari ay la socdeen oo marayay Omarjillo-Arabia kana tirsan Mandera uu dulmaray miino loo maleegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM