Kenya: Cabsi xoog leh oo soo wajahday Soomaalida ku nool Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa xaafadda Islii ka dhacay banaanbax cadaalad loogu dalbayay saddex dumar ah, oo Todobaadkan la dilay, kadibna meydadkooda meelo kala duwan dalka Kenya laga helay, iyadoo dhacdadan argagax iyo cabsi ku beertay dadka Soomaalida ah.

Waris Daa'uud oo 36 jir ahayd, gabadheeda Aamina Cabdirashiid (21 jir), iyo Nuseyba Daahir (12 jir) oo ay eedo/habaryar u ahayd ayaa dhammaantood si arxan darro ah loo dilay, waxaana illaa hadda la ogeyn cida dishay iyo sababta.

Meydka Waris oo la jarjaray, ayaa laga helay degaanka Majaakos, Amiina ayaa Meydkeeda laga helay Parklands, iyadoo Nuseyba laga helay meydkeeda Buruburu.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Mas'uuliyiinta kale ee xaafadda Islii ayaa cambaareeyay falkan dilka ah, iyagoo ugu baaqey dowladda Kenya inay si deg deg ah usoo qabato, islamarkaana cadaaladda horkeento dembiiliyaasha.

Goobaha Ganacsiga ayaa xirnaa Maanta magaaladda Nairobi qeybo kamid ah, gaar ahaan Suuqa Islii, oo banaanbaxa uu ka dhacay. Wali dowladda Kenya kama hadlin arintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM