Kenya: Dad ku dhintay qarax lala beegsaday gaari bas ah

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan afar rakaab ah ayaa la dilay tobanaan kalena waa la dhaawacay subaxnimadii hore ee Arbacada maanta ah markii bas uu dulmaray walxaha qarxa oo la dhigay wadada dhinaceeda waqooyi-bari Kenya, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta maxalliga ah.

"Baska ayaa ku sii jeeday magaalada Mandheera isaga oo ka yimid magaalada Lafey," ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Roba.

Rono Bunei, oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi bari, ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo intaa ku daray in saraakiil boolis ah loo diray goobta si ay ugaarsadaan kuwa ka dambeeyay falkaas.

Goobjoogayaal ayaa shaaca ka dhigay in baska uu si weyn u burburay kadib markii saameyn ba’an kasoo gaartay qaraxa. Booliska deegaanka ayaa sheegay in tirada dhaawacyada ay sii kordhi karto.

Weerarka baska ayaa yimid maalin un kadib markii laamaha amaanka ee maxalliga ah ay fashiliyeen isku day ay maleeshiyo looga shakisan yahay Al-Shabaab ku doonayeen inay ku weeraraan xero booliis oo ku taal Lafey.

Waxaa la rumeysan yahay in isla kooxdaasi ay ka dambeeyaan weerarka baska, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Kooxda argagixisada ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa bartilmaameedsi ka wada aagagga xudduudda Kenya iyo Soomaaliya waxayna dileen muwaadiniin aan waxba galabsan tan iyo markii askarta Kenya ay galeen Soomaaliya 2011 si ay u sugaan xadka ay wadaagaan labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM