Kenya oo guul ka sheegatay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya – Saraakiil ka tirsan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Difaaca Kenya [KDF] ayaa toogasho ku dilay afar ruux oo looga shakisan yahay in ay ka tirsanaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab kadib howlgal ay ka fuliyeen Kaymaha Boni ee Gobolka Lamu, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee ka howlgasha waddanka Kenya.
Askarta ayaa subaxnimada 27-kii Diseembar, 2020, waxay weerareen "goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen Al Shabaab". Howlgalka wuxuu timid markii ay isa soo tartay cabsida laga qabo in argagixisada ay weeraro ka fulin karto ismaamulka.
Sidda ay warisay warbaahinta maxaliga, hal qof oo laga shakisan yahay ayay askartu xireen waxaana lagu sii hayn doonaa xabsiga si su'aalo loo waydiiyo.
Saraakiisha ayaa sidoo kale soo helay qalab isgaarsiineed iyo xamuul farabadan oo ay lahaayeen maleeshiyada intii lagu guda jiray howlgalka.
Howlgalka ay wadaan askarta KDF ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid la abaabulay ka dib markii maleyshiyadda 21-kii bishii Diseembar, 2020, ay qafaasheen isla markaana gowraceen mas’uul ka tirsan maamulka Wajeer.
Cumar Aadan Buul, oo ahaa Kaaliyaha Madaxa qeybta degaanka Gumarey ee ismaamulka Wajeer, ayaa "si arxan daro ah loo dilay madaxiisana la dhigay waddo dhinaceeda".
Amni-darrada ka jirta Woqooyi-bari Kenya iyo Waqooyiga Lamu, oo xuduud la leh Soomaaliya, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xoogeysatay.
Bishii Diseembar 15-keedii, dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa weeraray xarumaha amniga ee Borehole 11, iyagoo qarxiyay saldhig booliis oo dhowaan la dhisay.
Tani waxay ka dambeysay markii tobanaan ka tirsan Al-Shabaab ee Soomaaliya looga shakiyay inay ka talaabeen xadka Kenya iyagoo adeegsanaya waddooyinka sohdinta Hamey, Amuma iyo Homojo ee Gobolka Gaarisa.
Wararku waxay tilmaamayaan in dableyda uu hogaaminayey, Mawliid Cabdi Xuseen kaasoo la sheegay in uu dadweynaha kula hadlay Masjid ku yaala tuuladda Degathe isla markaana uu wacad ku maray in ay sii wadayaan beegsiga Kenya.
Booliska ayaa rumeysan in kooxahaasi laga yaabo in mar horeba loo qoondeeyay bartilmaameedyo ay ka mid yihiin anteenooyinka isgaarsiinta, xeryaha baaritaanka iyo in qarxyo lagu rakibo waddooyinka si ay ula beegsadaan kolanyada ciidamadda roondooyinka sameynaya iyo kuwa kale ee ay saaran yihiin mas'uuliyiinta kale ee heer gobol.
GAROWE ONLINE