Kenya oo Heshiis Taariikhi ah la gashay Indonesia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kenya waxay si diiran Maanta usoo dhawaysay Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo oo booqasho uga billaabatay dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa xustay inay ka shaqayn doontaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka ay la leedahay Indonesia si loo kordhiyo ganacsiga.

Madaxweyne William Ruto oo kulan la yeeshay Widodo ayaa sheegay in baaxadda maalgashiga sidoo kale la ballaarin doono si loo helo isku dheelitirnaan ganacsi oo u janjeera waddanka Koonfur-bari Aasiya.

"Waxaan abuuri doonaa jawi lagama maarmaanka u ah kor u kaca ganacsiga ka dhexeeya dalalkeena," ayuu yiri Ruto.

Maalgashiga iyo ganacsiga labada dal ayaa lagu qiimeeyay in ka badan 600 milyan oo doolar sanadkii hore.

Dhinacyada wax-soosaarka sare leh ee xoogga la saaray, ayuu madaxweynuhu tilmaamay inay ka mid yihiin dunta iyo dharka, tamarta, macdanta, iyo soo saarista iyo sifaynta saliidda.

Hadalkan ayuu maanta oo Isniin ah ka sheegay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, xilli uu kulan laba geesood ah la qaatay Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo. Labada mas’uul ayaa sidoo kale si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

Waxa uu sheegay in Kenya ay taageero ka raadin doonto Indonesia si ay u soo dhex gasho Ururka Koonfur Bari Aasiya, oo ah urur ganacsi oo si xawli ah u koraya.

Waxa uu sharaxay in Kenya ay sidoo kale la shaqeyn doonto Indonesia si ay u soo jiidato shirkadaha caalamiga ah si ay u maalgashadaan dalkiisa.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in tallaabadan ay Kenya ka caawin doonto sidii ay u kobcin lahayd warshadaheeda, isla markaana ay u heli lahayd isku dheeli tirnaan ganacsi oo ay la leedahay Indonesia.

Wuxuu intaas ku daray in Kenya ay Indonesia kala kaashan doonto dhanka Dharka, Tamarta, Macdanta, Wax soo saarka Saliidda iyo Sifeynta.

"Waaxahani waxay kobcin doonaan faylalka maalgashiga ee laba geesoodka ah waxayna gacan ka geysan doonaan kordhinta ganacsiga."

Madaxweynaha ayaa ku dooday in dowladdu ay si gaar ah u doonayso inay u fududayso shirkadaha Indonesia si ay u maal-gashadaan habaynta saliidda la cuni karo.

"Maalgashiga Indonesia waxa uu taageeri doonaa dadaalka Dowladda ee lagu hubinayo in la awoodi karo oo la heli karo saliid la cuni karo inta badan dadka Kenya, gaar ahaan meelaha miyiga ah," ayuu yiri Ruto.

Madaxweyne Widodo ayaa ballan qaaday inuu Kenya kala shaqeyn doono inay gaarto barwaaqo. Waxa uu sheegay in dalkiisa uu aad u danaynayo in iskaashiga kala dhaxeeya Kenya uu yahay mid faa’iido u leh shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM