Kenya oo la sheegay in ay ka baxdey dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya - Iyaddoo ay noqoneyso tallaabo lama filaan ah, Kenya waxay ka baxday dacwadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda [ICJ] ka hor dhageysiga loo qorsheeyay inuu bilaabmo Isniinta berri, ka dib bilooyin dib loo dhigay oo ku yimid codsiga mas'uuliyiinta Nairobi.

Sannadkii 2019, kiiska ayaa laba jeer dib loo dhigay waxayna Nairobi ku guuleysatay inay mar saddexaad dib u dhigto bishii Maarso 2020, laakiin maxkamadda ayaa diiday inay mar afaraad dib u dhigto sannadkan, iyadoo ku doodeysa in arrimaha ay Kenya soo gudbisay aysan ahayn “kuwo muhiim ah”.

Wararku waxay hadda tilmaamayaan in Nairobi aysan ka qeyb geli doonin dood afeedka Isniinta, halkaasoo maxkamadda ay darafyadda siisay fursadda siman taas oo u oggolaan laheyd labada dhinacba inay madasha ku soo bandhigaan caddeyn la taaban karo.

ICJ ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo saartay jadwal socon doona ilaa Arbacada todobaadka dambe, laakiin bixitaankii ugu dambeeyay ee Kenya waxay noqoneysaa dharbaaxo weyn. Soomaaliya iyo Kenya midkoodna war kama soo saarin talaabooyinkii ugu dambeeyay.

Balse, kormeerayaasha ayaa sheegaya in maxkamadda ay u badan tahay inay sii wadi doonto dhageysiga. In kasta oo jadwalka uu hadda yahay labada dal, haddana dhageysiga ayaa loo gaabin doonaa kooxda Soomaaliya si ay u soo bandhigaan dacwaddooda; taasi waxay ku xirnaan doontaa illaa Kenya ay gaarto go'aan daqiiqadii ugu dambeysa oo ah in ay bedesho mowqifkeeda kana qeybgasho.

Xataa haddii Kenya aysan ka qaybgalin dhegeysiga dood afeedka, waxay noqoneysaa wax aan horay loo arag, sidda ay aamisan yihiin goobjoogayaashu; sababta oo ah waxaa jira kiis hore una dhaxeeyay Shiinaha iyo Filibiin kaasoo dhageysiga afka ah uu ka dhacay inkastoo labada dhinac midkood uu ka baaqsaday fadhiga.

Marka dhageysiga u qabsoomo Asbuucaan sidii loo qorsheeyay, waxay qaadan doontaa ugu yaraan 4-6 bilood oo kale ka hor inta maxkamaddu aysan go'aanka kama dambaysta ah gaarin. Tani waa sababta oo ah garsoore kastaa uu ugu baahan yahay inuu haysto wakhti uu kaga baaraandego kiiska kuna saleeyo dood iyo caddeyn uu kusoo bandhigo fadhiga loo balansan yahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM