Kenya oo shaacisay qorshe ay uga hortagayo amni darada

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa Talaadadii ku dhawaaqday hawlgal hub ka dhigis ah ballaaran lagana sameynayo seddex ismaamul oo ka tirsan gobolka waqooyiga si wax looga qabto dhibaatooyinka amni darrada ah ee galaaftay nolosha tobanaan qof halka kuwa kalena ay ku barakaceen.

Fred Matiang'i, wasiirka arimaha gudaha, ayaa sheegay in laamaha amaanka ay isha ku hayaan aagaga ismaamulada Wajeer, Garissa iyo Isiolo ka hor waxa uu ku tilmaamay "howlgalka hub ka dhigista ee culus".

Matiangi wuxuu intaas ku daray in taliyaha bilayska uu durbaba ka shaqeynayo arrimaha sahayda ka hor howsha la filayo in lagu nabadeeyo gobolada xuduud la leh labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Gobolkan waxaa waayadan dambe soo maray culeyskii ugu badnaa ee la xiriiray falal argagaxiso, dagaal beeleedyo ka dhaca xuduudaha saddexda ismaamul ayaa caado ka noqday, inta badanna waxaa ugu wacan kheyraadka yar sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Wasiirka ayaa hadlay kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaasha saddexda degmo. Kulankan waxaa qeyb ka ahaa saddex gudoomiye kale oo matalayay meelaha ay dhibaatooyinka ka dhacaa ee caasimada Nairobi.

Matiang'i ayaa tilmaamay in dowlada lagu wado inay baaritaano ku sameyso keydka booliska qaranka ee aagaasi kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Hanti dhowrka ayaa "soo ogeysiin doona sida iyo halka lagu kordhinayo ilaha amniga iyo shaqaalaha badan, iyadoo la doonayo in lagu dejiyo gobolka xasilooni darada ay ka jirto".

Mas'uuliyiinta kala duwan ee hoos-yimaada gudoomiyeyaasha gobolada ayuu cod dheer ku faray in ay si dhow ula shaqeeyaan madaxda ayna xoojiyaan dhaqan-gelinta waajibaadka loo idmaday.

Matiang'i ayaa hoosta ka xariiqay "in rabshadaha qaar ay hurinayaan siyaasiyiinta ka hor doorashooyinka 2022," arintaas oo uu sheegay in la joojin doono.

"Qaar ka mid ah dhacdooyinkan rabshadaha wata waxay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaq siyaasadeed, ujeedo ama hadal," ayuu yiri.

Cali Korane, gudoomiyaha Gaarisa, wuxuu carabka ku dhuftay in ay mabda 'ahaan isku raaceen inay u baahan yihiin inay soo afjaraan rabshadahan, iyagoo raadinaya xalka dhibaatooyinka.

"Waxaan ku heshiinay hogaamiyeyaal ahaan in aan hogaamino geedisocodka nabada iyo wadatashi dheeri ah," ayuu yiri Korane.

Marka laga reebo argagixisada, oo ku badan Gaarisa, Wajeer iyo Degmooyinka Mandheera, meelaha kale oo ay ka mid yihiin Marsabit iyo Isiolo waxay la kulmaan weeraro salka ku haya aanooyin qabiil oo joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM