Kenya oo shacabkeeda ku boorisay inay ixtiraamaan madaxbannaanida dalalka kale

Image

DAR ES SALAAM – Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday muwaadiniinta dalkaas inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo arrimaha gudaha ee dalalka kale, kadib markii dhalinyaro Kenyan ah ay ka gudbeen xadka Tanzania si ay ugu biiraan banaanbaxa looga soo horjeedo Samia Suluhu.

Baaqan ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu arkay hadallo iyo falal ay qaar ka mid ah Kenyaanku kaga hadlayeen doorashooyinka Tanzania, taas oo dhalisay dood diblomaasiyadeed oo u dhexeysay labada dal ee deriska ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tanzania ayaa sheegtay in faragelinta arrimaha gudaha ee dal kale ay tahay mid khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah iyo mabda’a deris wanaagga ee ay ku dhisan tahay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhankeeda, dowladda Kenya ayaa ugu baaqday shacabka iyo ururrada rayidka inay muujiyaan masuuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan hadallo ama ficillo saameyn kara xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in Kenya ay ixtiraamayso madax-bannaanida Tanzania, isla markaana aysan raalli ka ahayn in muwaadiniin Kenyan ah ay ku milmaan siyaasadda gudaha ee waddan kale.

“Tanzania waa dal walaalaheen ah, waxaana dan inoo ah inaan ilaalinno xiriirka wanaagsan ee naga dhexeeya. Faragelinta siyaasadeed waxay dhaawici kartaa kalsoonida iyo wada-shaqeynta gobolka,” ayuu yiri Mudavadi.

Tanzania waxay dhawaan xoojisay kormeerka xuduudaheeda, iyadoo saraakiil amni oo sarre loo diray magaalooyinka xadka u dhow si loo hubiyo in aan la soo gelin wax faragelin ah oo dhinaca dibadda ah inta lagu jiro ololaha doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM