Kenya: Raila Odinga oo Shuruudo ku xiray Wadahadalka Ruto

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa soo bandhigay shuruudo cusub oo ku aadan in uu wadahadal la galo dowlada Kenya ee uu Ruto hogaamiyo.

War qoraal ah oo uu soo saarey, Odinga wuxuu iftiimiyay in arrimaha ay ka mid yihiin naxariis-darrada bilayska, daryeelka caafimaadka iyo cabashooyinka waxbarashada ay tahay in wax laga qabto ka hor inta aan wada hadalku socon.

"Caddaaladu waa inay ka horraysa wadahadal kasta," ayuu yiri odinga.

Odinga ayaa dalbanaya in magdhow laga siiyo dhibanayaasha tacadiyada booliiska iyo in la sii daayo dhammaan maxaabiista la xiray iyagoo banaanbaxa ka qeyb-qaadanaya.

Intaa waxaa dheer, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in maxkamad la soo taago dembiilayaasha laamaha ammaanka ee ka mas'uulka ah dilka iyo dhaawaca dadka mudaharaadka sameynayay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto arrimaha dalka iyo dastuurka sida dowlad wanaaga, sare u kaca maciishada, ciribtirka qabyaalada, la dagaalanka musuq maasuqa, maamulida deymaha iyo arrimaha maaliyadda.

Odinga ayaa soo jeediyay in lagu daro wakiilo ka kala socda qeybaha kala duwan, oo ay ku jiraan dhalinyarada, dowladda, hogaamiyaasha diinta, xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, qareeno iyo macalimiin wadahadalka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM