Kenya: Soomaalida oo ku kala qeybsan isbedelka dastuurka
NAIROBI, Kenya – Olole ballaaran oo la doonayo in isbedel loogu sameeyo dastuurka waddanka Kenya ayaa mar-xalad gabagabo ah maraya, balse siyaasiyiinta Soomaalida waxay si weyn ugu kala qeybsan yihiin ajenadahan xasaasiga ah.
Siyaasiyiinta Soomaalida ee kasoo horjeeda qorshahaan ayaa tilmaamaya in uusan ahayn mid xoojinaya metelaadooda, halka kuwa taageersan ay rumeysan yihiin in goladda ay miisaaniyad badan kaga helayaan dhanka dowlada.
Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto bartamaha ismaamulka Garrisa ayaa shaaca ka dhigay in gudoomiyeyaasha golabadda ay gedaal ka riixayaan ajendahan "maadaama lagu laaluushayo laba milyan".
"70 kursi ayaa la qeybsanayaa, gobolka waqooyi bari waxba uguma jiro," ayuu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. "Todobaatan kursi baa la qeybsaday, waddanka iyo dadkiisaba si cadaalad ah waxba loogu qeybin".
Gobolka Waqooyi-Barri oo ay Soomaalida ku badan tahay ayuu tibaaxay in uu haatan wajahaya arrimo xasaasi ah oo isbedelkan uusan xalineyn.
"Macalimiinta sanad iyo bar ayay maqan yihiin amni darro daraadeed, caafimaad ma jiro," ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale oo sanadkii hore laga qaadey xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka waddanka Kenya.
Ololaha uu kaga soo horjeedo mashruucaan ayuu ku nuux-nuux-saday in uu xoojin doono, wallow uusan kala caddeyn talaabadda ay qaadayaan hadii la meelmariyo ayaga oo diidmadooda ay cadahay maa miradhali waayo dedaalkooda.
"Dadka badi u ololeynaya isbedelkan waa guddoomiyeyeaasha. Wax ugu jiro malahan Umadda Soomaalida iyo Muslimiinta," ayuu hadalkiisa ku daray. "Dhaanto nin kale leeyahay ma cayaareyno. Madaxweynaha [Uhuru Kenyatta] isaga oo madaxweyne ah ayuu todobaadkii hore la kulmay bulshadda uu kasoo jeedo, maxaa annaga noo diidey in aan dadkeena kala tashano".
Siyaasiyiinta iyo bulshadda Soomaalida ayuu cod dheer ugu booriyey in ay ka hor-yimaadaan meelmarinta isbedelka dastuurka waddanka Kenya.
Dastuurka ay haatan ku dhaqanto Kneya ayaa la meelmariyey 2010-kii – tobban sano kahor – waxaana lagu bedelay Axdi la sameeyay 1963 waqtigaas oo dalkan dhaca bariga qaaradda Afrika uu xorriyadiisa ka qaatay isticmaarkii Ingiriiska.
GAROWE ONLINE