Kenya: Xaaska wariye la dilay oo loo xukumay lacag magdhow ah
NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa lacag dhan 10 milyan oo shilinka Kenya ah u dhiganta ($78,000; £61,000) magdhow ahaan u siisay haweenaydii uu ka dhintay wariye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan oo ay boolisku ku toogteen jidgooyo ku dhawaad laba sano ka hor.
Arshad Sharif waxa uu ka tirsanaa telefishin caan ku ah dhaleecaynta adag ee uu u jeedin jiray hogaamiyayaasha milatariga ee Pakistan iyo musuqmaasuqa dhanka siyaasadda.
Sharif oo ahaa aabo dhalay shan carruur ah ayaa la kulmay hanjabaad dil ah oo uu ula xiriiriyey xaakimka ugu sarreeya Pakistan, ka hor inta uusan ka baxsan waddankiisa si uu u raadsado ammaan dibadda ah.
Dilka Shariifka oo labo bilood ka dib ay u geysteen ciidamada booliska magaalada Kajiado ee dalka Kenya ayaa ka dhashay caro, waxaana gaabiska dhanka cadaalada ka jawaabay mas’uuliyiintii khubarada Qaramada Midoobay oo dhaleeceeyay labada dal ee Kenya iyo Pakistan.
Booliska Kenya ayaa ku dooday in ay ahayd kiis aqoonsi khaldan ah balse xaaska Sharif uu ka dhintay, Javeria Siddique, ayaa sheegtay in uu ahaa dil qandaraas ah oo lagu fuliyay qof aan la magacaabin oo Pakistan jooga.
GAROWE ONLINE