Kenyatta iyo taliyaha AFRICOM oo wadahadalo yeeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Talaadadii wuxuu Madaxtooyadda magaaladda caasimadda ah ee Nairobi kula kulmay, Stephen Townsend oo ah Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Is-araggan wuxuu yimid todobaadyo kadib markii Washington ay shaacisay in ay la baxeyso ciidamadda ka jooga Soomaaliya, Afghanistan iyo Iraq.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa war qoraal ah ku xustey in askarta kaga sugan Soomaaliya loo wareejin doono wadamadda Jabuuti io Kenya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed ay Madaxtooyadda Kenya u dirtay warbaahinta madaxa-banaan, madaxweyne Kenyatta iyo Jeneraal Townsend ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga milatariga labada waddan.

Jeneraal Townsend waxaa shirka ku wehliyey Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya Jeneraal Robert Kibochi iyo safiirka Mareykanka, Kyle McCarter.

Mareykanka waxaa kaga sugan Soomaaliya ku dhowaad 700 askar kuwaasoo ciidamadda xoogga ka caawiya la dagaalanka maleyshiyadda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaan muhiim badan looga arag gudaha Mareykanka, balse wuxuu laf-dhabar u yahay dedaaladda Waaxda Difaaca Mareykanka ay kula dirireyso shabakadda argagixisada caalamiga ah ee loo garan ogyahay Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM