Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka Sudan oo la shaaciyey

Image
Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa tibaaxay in dadka geeriyoodey ay ku jiraan askar ka kala tirsan labada dhinac.

KHARTUUM, Suudaan - Dhawaqa rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo madaafiicda culus ayaa maalintii labaad waxaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada caasimadda u ah waddanka Suudaan ee Khartuum.

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta Suudaan ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 56 qof oo rayid ah lagu dilay dagaal u dhexeeya ciidamada iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka ayaa yimid iyadoo Mareykanka, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay ugu baaqeen dhinacyada iska soo horjeeda "in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda shuruud la'aan".

Goob-joogeyaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guriyo ay degan yihiin dad shacab ah ayna ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Sida laga soo xigtey Ururka Dhakhaatiirta Suudaan, 595 qof kale oo ay ku jiraan dagaalyahanno ay ku jiraanna ay ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya milatariga iyo ciidamada gurmadka degdega ah (RSF).

Labada dhinac ayaa ku loolamayay awoodda dalka iyadoo kooxaha siyaasadda ay ka gorgortameen sidii loo dhisi lahaa dowlad ku meel gaar ah ka dib afgambi militari oo dhacay 2021-ka.

Ciidamada milateriga waxaa madaxda u ah General Abdel Fattah al-Burhaan halka xoogaga hubeysan ee RSF oo uu hogaamiyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo. Labada nin waxay wada rideen nidaamka Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM