Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta

Image

JIGJIGA, Soomaali State - Iska hor-imaad ayaa waxaa lagu waramay in Isniinta maanta ah uu dhexmaray maleyshiyo kasoo kala jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee wada dega waddanka Itoobiya.

Dagaalkan qarxay aroornimadii Isniinta maanta ah ayaa ka dhacay degaano hoos-yimaado Tuli-guuleed oo ka tirsan gobolka City. Dadka degaanka waxay intaas ku dareen in uu jiro khasaaro geeri iyo dhaawac.

Xaaji Cali Musue Xasan oo kamid ah dadka degaanka ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da wuxuu u sheegay in laba kamid ah odayaasha degaanka ay ku dhaawacmeen dagaalka laba kale ay ku dhaawacmeen.

"Dagaalka wuxuu bilowday shantii subaxnimo illaa haddana wuu socdaa," ayuu u sheegay Idaacadda Duhurnimo ee BBC-da. "Dagaalkan ma ahan wax dhowaan bilowday saddexdii sano ee lasoo dhaafay buu socdaa".

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku-dhacaan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka ismaamulka Soomaalida iyo Canfarta. Isku-dayo la doonayey in wax looga waydiiyo is-rasaaseynta ayaanan guuleysan.

Mr Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay Canfarta in ay doonayaan in ay "xoog ku qabsadaan dhulka Soomaalida". Inkasta oo uu xusay in ay is-difaaci doonan, balse wuxuu tibaaxay in ay nabad rabaan.

Isku-dhacyada qowmiyadaha Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay u muuqdeen kuwa cirka isku-siishareeyay iyaddoo maamulka Abiy Axmed uu ku guuldareystay in uu si wax ool ah ula tacaalo qadiyadan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM