Khilaaf soo dhaxgalay Midowga Afrika iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan

Image

KHARTOUM, Suudaan - Dagaal afeed ayaa dhex maray Midowga Afrika iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan, iyadoo ay labada dhinacba hadallo kulul ka bixiyeen kulanka dhexmaray madaxa Midowga Afrika, Musa Faki iyo lataliyaha Taliyaha xoogaga Taageerida degdeg ah RSF.

Sheekadu waxay ku bilaabatay kulan dhex maray Youssef Ezzat, lataliyaha taliyaha RSF iyo Musa Faki kana dhacay Addis Ababa, oo uu goob joog ka ahaa afhayeenka Midowga Afrika Mohamed Al-Hassan Ould Labbat.

Isla markii lagu dhawaaqay shirka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa Isniintii la soo dhaafay, waxay cambaareysay shirka, waxayna ku tilmaantay inuu yahay tallaabo helis ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sheegtay in kulanka uu ka dhigan yahay in dhaq-dhaqaaqyada hubeysan oo mucaaradk ah la siiyo sharci ah oo aysan u qalmin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku tilmaamtay dhacdadan "khatar toos ah oo ku wajahan madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika iyo ammaanka iyo xasilloonida qaaradda oo dhan.”

Dhanka kale, Afhayeenka Midowga Afrika, Maxamed Al-Hassan Ould Labat, ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in Midowga Afrika uu la kulmayo dhammaan dhinacyada rayidka, militariga iyo bulshada ee Suudaan, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka ka taagan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM