Koonfur Afrika oo 95 Liibiyaan ah kasoo xirtey xero laga shakiyay

Image
Ilaa hadda ma cadda in 95-kan qof ay ku xidhan yihiin ama ay xiriir toos ah la leeyihiin koox hubeysan.

NAIROBI, Kenya - Booliiska Koonfur Afrika ayaa xiray 95 qof oo u dhashay Liibiya si su’aalo loo weydiiyo, kaddib markii looga shakiyay inay tababar ku qaateen xero milateri oo qarsoodi ah.

Booliska ayaa sheegay Jimcihii in ay qaadeen weerar subaxnimo ah oo lagu qaaday xero milatari oo la sheegay in ay ku taal beer ku taal wabiga cad ee gobolka Mpumalanga ee waqooyiga dalka.

Laamaha ammaanka Koonfur Afrika ayaa xusay in howlgalka lagu soo qab-qabtay dadka Liibiyaanka ah, laguna xiray xeradaasi uu billowday labo maalmood ka hor.

Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay ciidamo aad u badan oo ku sugan banaanka xerada la tuhunsan yahay, kuwaasi oo isugu jira teendho u eg qaab milateri oo cagaar ah iyo jawaano carro ah.

Afhayeen u hadashay booliska qaranka Koonfur Afrika, Athlenda Mathe, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X in dadka Liibiyaanka ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galeen fiisooyin waxbarasho si ay ugu tababaraan ilaalo ahaan, balse baaritaanada booliska ayaa sheegay in ay heleen tababar ciidan.

Ilaa hadda ma cadda in 95-kan qof ay ku xidhan yihiin koox hubeysan ama in ay qeyb ka yihiin ciidamo qarsoodi ah oo ay tababareyso dowladda Liibiya.

Liibiya ayaa weli waxaa ka socda colaado iyo dagaallo sokeeye in ka badan 10 sano kaddib markii 2011-kii ay NATO taageertay afgambigii xukunka looga tuuray Mucamar Al-Qadaafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Iyadoo uu Ku Sugnaa Isbitaal

Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay isbitaal, isagoo lagu daweynayo….

  • Afrika

    17-10-2024

  • 09:28PM

Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Iyadoo uu Ku Sugnaa Isbitaal

Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay isbitaal, isagoo lagu daweynayo….

  • Afrika

    17-10-2024

  • 09:28PM