Koonfur Afrika oo 95 Liibiyaan ah kasoo xirtey xero laga shakiyay

Image
Ilaa hadda ma cadda in 95-kan qof ay ku xidhan yihiin ama ay xiriir toos ah la leeyihiin koox hubeysan.

NAIROBI, Kenya - Booliiska Koonfur Afrika ayaa xiray 95 qof oo u dhashay Liibiya si su’aalo loo weydiiyo, kaddib markii looga shakiyay inay tababar ku qaateen xero milateri oo qarsoodi ah.

Booliska ayaa sheegay Jimcihii in ay qaadeen weerar subaxnimo ah oo lagu qaaday xero milatari oo la sheegay in ay ku taal beer ku taal wabiga cad ee gobolka Mpumalanga ee waqooyiga dalka.

Laamaha ammaanka Koonfur Afrika ayaa xusay in howlgalka lagu soo qab-qabtay dadka Liibiyaanka ah, laguna xiray xeradaasi uu billowday labo maalmood ka hor.

Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay ciidamo aad u badan oo ku sugan banaanka xerada la tuhunsan yahay, kuwaasi oo isugu jira teendho u eg qaab milateri oo cagaar ah iyo jawaano carro ah.

Afhayeen u hadashay booliska qaranka Koonfur Afrika, Athlenda Mathe, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X in dadka Liibiyaanka ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galeen fiisooyin waxbarasho si ay ugu tababaraan ilaalo ahaan, balse baaritaanada booliska ayaa sheegay in ay heleen tababar ciidan.

Ilaa hadda ma cadda in 95-kan qof ay ku xidhan yihiin koox hubeysan ama in ay qeyb ka yihiin ciidamo qarsoodi ah oo ay tababareyso dowladda Liibiya.

Liibiya ayaa weli waxaa ka socda colaado iyo dagaallo sokeeye in ka badan 10 sano kaddib markii 2011-kii ay NATO taageertay afgambigii xukunka looga tuuray Mucamar Al-Qadaafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM