Labo qof oo loo xiray in ay Ra'iisul Wasaare la xiriiriyeen khaniisnimada

Image
Labadan shaqsi ayaa lagu kala magacaabaa Diakhate iyo Imam Cheikh Ahmed Tidiane Ndao.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Senegal ayaa xabsi ku xukuntay labo nin oo lagu eedeeyay “in ay faafiyeen warar been abuur ah” kaddib markii ay ku eedeeyeen Ousmane Sonko, ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas, inuu u dulqaatay khaniisnimada.

Labadan shaqsi oo lagu kala magacaabo Diakhate iyo Imam Cheikh Ahmed Tidiane Ndao ayaa lagu xukumay saddex bilood oo xarig ah iyo ganaax dhan 100,000 oo CFA franc ah oo u dhiganta $165/£130.

Waxay ka caroodeen in Mr Sonko uu u ogolaaday siyaasi Faransiis ah oo booqasho ku yimid inuu muujiyo taageerada uu u hayo guurka dadka isku jinsiga ah.

Falalka khaniisiinta ayaa mamnuuc ka ah waddanka Muslimka ah ee ku yaallo galbeedka Afrika, waxaana lagu muteysan karaa ilaa shan sano oo xarig ah.

Faallooyinkan labadan ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ka kiciyeen dhegaystayaashii Jaamacadda Cheikh Anta Diop halkaas oo uu Sonko kamid yahay dadka kasoo aflaxay.

Senegal ayaa kamid ah dalalka Muslimiinta ee sidda adag ula macaamila arrimaha ku saabsan khaniisnimada iyadoo la raacayo xeerarkeeda dhaqan-bulsho. Tani waxa ay sabab u noqotay in ay cadaadis kala kulmaan wadamadda Reer Galbeed si ay u dabciyaan go'aanada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM