Libaax dilay nin waardiye ka ahaa Beerta Duurjoogta Madaxtooyadda Nigeria

Image
Dhacdadan waxa ay ku soo beegantay wax ka yar hal sano ka dib markii la diiwaan-geliyay fal noocaan oo kale ah.

NAIROBI, Kenya - Nin waardiye ka ahaa beer lagu ilaaliyo xayawaanada ayaa libaax ku dilay Koonfur Galbeed ee Nigeria ka dib markii uu si lama filaan ah ku baxsaday, sidda ay booliisku sheegeen.

Dhibbanaha oo 35 sano jir ah, ayaa ka shaqaynayey Beerta Duurjoogta Madaxtooyadda, oo uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, oo ku taal Abeokuta, ee caasimadda gobolka Ogun.

Afhayeenka bilayska deegaanka Omolola Odutola ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in "libaaxu uu dhaawac halis ah u geystay qoorta ninka".

Dhibbanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Babaji Daule, oo ay booliisku ku tilmaameen inuu ahaa kaliye libaax oo tababaran.

Dhacdadan waxa ay ku soo beegantay wax ka yar hal sano ka dib markii nin kale lagu weeraray oo uu ku dilay jaamacada Obafemi Awolowo University, oo sidoo kale ku taal koonfurta-galbeed ee Nigeria.

Falkan ayaa waxa uu dhaliyay walaac iyadoo dadku ay su’aalo ka keeneen shuruucda dalka iyo maamulka xarumaha xayawaanka lagu xanaaneeyo iyo wax ka qabashada xayawaanka duurjoogta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM